Arabsiyo News—Guddoomiyihii hore ee jaaliyadda Somaliland ee Jarmalka, Mr. Maxamed Xuseen, ayaa magaca Jamhuuriyadda Somaliland kaga qeyb galay shirkii cimiladda adduunka ee lagu soo gabo-gabeeyay dalka Jarmalka.
Maxamed Xuseen waxa qoraal uu soo saaray shalay tafaasiil kaga bixiyay qoddobadii shirkan lagaga hadlay.“Shirkan cimillada adduunka oo ka socday magaalada Bon ee wadanka Jarmalka maalmihii la soo dhaafay,ayaa waxa lasoo gabo-gabeeyay Arbacadii.
![]() |
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen dalalka caalamka oo dhammi,waxaa lagaga doodayay sidii wax looga qaban lahaa cimilada adduunka ee marba marka ka dambaysa sii kululaanaysa. Waxa kale oo jira Roobabkii oo yaraaday ama aan da’y xilliyadoodii.Barafkii fadhiyay oo dhalaalaya,biyaha bada oo
2 ku jiray ka sii yaraanayo,iyo waliba biyaha badda oo 15 cm sare u kacay taas oo laga yaabo inay badu dul marto dalalka jasiiradaha ah haddaba maxaa soo baxay inay cimilada adduunku is bedasho,”ayuu yidhi Maxamed Xuseen, waxaanu intaas ku daray “Saynis yahanada adduunku waxa ay u dhigayaan sidan Aduunkan aynu ku nool nahay waxa uu ka koobanyahay 70% biyo halka 30% waa dhulka aynu deegaanka ah ee wax laga beerto qeybna Baraf baa saaran,laga soo bilaabo 1971-kii illaa 2015-ka.”
![]() |
“Waxa adduunka lagu sii daynayay Co2 qiiqan kaarboonka kaas oo ka imanaya wershadahan faraha ka batay ee dalalka hore u maray Gawaadhidii oo ciidaa ka badatay,diyaaradihii oo ciidaa ka batay maraakiibtii oo dhamaantood adduunka qiiqa kaarboon ku sii wada daynaya,CH4 oo loo yaqaan Methan oo Atomusfeerka adduunka oo 25% sare u kacay,”ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Somaliland ee Germany.
Mr. Maxamed Xuseen waxa uu hadlay qoddobadii ay saynis-yahanadii shirka ka soo qeyb galay ay soo jeediyeen, waxaanu yidhi “Saynis yahanadii ka qeyb galay shirkan waxay ku doodayaan haddii aan wax laga qaban mushkiladan in sannadkan 2050-ka adduunka waxa ku imanaya isbedallo waaweyn oo adduunka oo dhan laga dareemi doono,sida duufaanno dabylo wata,roobka oo di’I waaya,wabiyada oo gudha. Su’aashu waxa weeye go’aankan shirkan la gaadhay ee ah in la yareeyo kaarboonka.wershadaha waxa ku xidhan dhaqaaalahooda,kuwa gawaadhida sameeya kuwa biraha dhalaaliya kuwa laydhka dhaliya. wershadahan oo maalinba maalinta ka dambaysa adduunka aad ugu soo badanaya sida Shiinaha, Maraykanka, Ruushka, Hindiya iyo Yurub dhammaantood dhaqaaalahooda ayaa ku tiirsan,sida dadka qaarkood ay aaminsan yihiin isbedalka cimiladdu yahay wax xaga rabbi ka qoran oo ifafaalle u ah gabo-gabadii adduunka.”
“Shirkan cimiladda kii ka horeeyay waxa lagu qabtay wadanka magaaladda Paris ee dalka Faransiiska,ayaan ka qeyb galay waxaanan ka ga qeyb galay magaca Somaliland,wasaarada Arrimaha dibada waxaan ku dhiiri gelinayaa inay shirarka noocan oo kala ah ka qeyb galaan waayo cid innaga hor-joogsanaysaa ma jirto,wax kastaaba meel sax ah oo loo maro ayay leedahay,dadka safiirrada loo magacaabayaa ha noqdeen dad u jajaban,kana soo bixi kara hawsha loo igmaday,”ayuu ku soo gabo-gabeeyay qoraalkiisa.










