Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Kala Dhex Galay Beelaha Ku Dagaalamaya Deegaanka Dharkeyn Ee Gobolka Sool

0

Laascanood(AN) Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa kala dhex galay beelaha walaaha ah ee  deegaanka Dharkeyn ee Gobolka Sool  dagaalku ku dhex maray, kuwaas oo shalay iyo maantaba uu dagaal xoogani ku dhex maray halkaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira.

Sidaasna waxa sheegay Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland, waxaanuu ciidanka qaranka ku hambalyeeyey sida ay u kala dhex galeen beelahaasi dagaalamaya, waxaanuu ugu baaqay beelahaasi in ay dagaalka joojiyaan oo ay nabad ku xalliyaan arrimohooda.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo warbaahinta kula hadlayey hargeysa, ayaa waxa uu yidhi “Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa maanta gaadhay goobta ay colaadu ku dhex marayso labada beelood ee walaalaha ah ee Dharkeyn, waanay kala dhex galeen labadaas beelood ee dagaalamaya, waan ku hambalyeynayaa ciidamada oo waxa weeyaan arrin masuuliyadooda ah oo ay guteen ciidanku, nabad ha laga taliyo ayaan leeyahay, xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay arrintaasi inta ay cusubtahay ha la gaadho, rag badan ayaa halkaas ku dhintay kuwo kalena way ku dhaawacmeen” ayuu yidhi xilodhibaanku.

Dagaalkan oo ah mid culus oo ay labadaasi beelood ee walaalaha ah ku dhex maraya deegaanka dharkeyn, ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada  dad badan iyo dhaawacba, kaas oo shalay iyo maantaba  ka dhacay halkaasi, balse ay markii dambe ciidanka qaranka Somaliland kala dhex galeen.

Baaqyada nabadda ee loo jeedinayo beelahan dagaalamaya ayaa isasoo taraya, kuwaas oo lagaga dalbanayo in ay colaadda joojiyaan oo ay nabadda qaataan, isla markaana wixii jira ay wada hadal iyo waan waan ku xalliyaan balse ay joojiyaan dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

 

Arabsiyo.net

Hargaysa Office