Hargeysa (AN )- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay kulan ballaadhan oo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar muxaadaro aqooneed uga jeedinayey dhallinyarada jaamacadaha ama aqoonyahanka.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa caawa oo ay isugu yimaadeen kumanaan dhallinyaro ah aqoonyahan rag iyo dumarba isugu jira oo ballanta muxaadarada Prof. Axmed Ismaaciil Samatar darteed buux-dhaafiyey barxadda kulamada noocan ah loogu talgoalay saacado ka hor waqtigii loogu talogalay in la bilaabo. Waxaanna dhallinyartaasi ku wehelinayey madashaasi Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga.
Guddoomiye Muuse Biixi iyo madaxda wehelinaysay waxay kala qaybgaleen da’yarta dhegaysiga muxaadarada aqooneed ee uu halkaa ka jeediyey Prof. Samatar oo mowduuceedu ku saabsanaa dhaqanka wanaagsan ee bulshada Soomaalidu leedahay iyo dhinacyada kala duwan ee uu ka kooban yahay, kaas oo intii uu gudbinayey iyo su’aalo markii dambe la waydiiyeyba qaateen muddo ilaa saddex saacadood oo xidhiidh ah.
Ka qaybgalka kulankaasi ee Guddoomiyaha KULMIYE waxa farxad wayn ka muujiyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku tilmaamay inay qadarin iyo qiimayn uu u sameeyey Guddoomiyuhu tahay, sidoo kalena dhallinyarada aqoonyahanka ee madasha isugu tagtay ayaa rayn-rayn iyo sacab qiimo badan ku qaabilay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE markii uu goobta tagay.
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo markii ay dhammaatay muxaadarada aqoonyahan Samatar lagu soo dhaweeyey cod baahiyaha, ayaa hadal kooban uu halkaasi ka jeediyey kaga hadlay ujeeddada uu kulankan uga qaybgalay, waxaannu yidhi “Waxa laga yaabaa in aad iswaydiinaysaan ujeeddadaan halkan u imi caawa, laba ujeeddo oo keliya ayuun baan u nimi oo kala ah; kow, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahankaa wayn oo sidaa uu sheegay aannu isku dugsi ahayn oo haddana aanan weli fursad u helin kulan ama muxaadaro uu jeedinayo ayaan caawa nasiib u helay in aan soo horfadhiisto oo aqoontiisa dhagaysto anigoo la mid ah dhallinyaradaa jaamacadaha. Laba, xaruntan dhaqanka ee uu inoo sameeyey Jaamac Muuse Jaamac oo iyadana in badan aan ku taamayey in aan arko oo ii suurtogashay caawa. Labadaa qodob mooyee wax kale oo ujeeddo ah halkan umaan iman dhallinyarow.”
Guddoomiye Muuse waxa uu si wayn ugu mahadceliyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar aqoonta qiimaha leh ee uu ka jeediyey kulanka, isagoo sidoo kalena ammaan iyo




















Arabsiyonews.com
Hargaysa Office









