1 3. Ku guulaysiga inaad ku dedaasho Aakhiro
Inaad ku guulaysato aakhiro, jidkeeda maaha wax fudud, amase dhayil lagu qiyaasi karo, intabadan qofku marka ay aakhiradiisu u hagaagto aduunyadu wax saamayn ah kuma laha.
Qofkasta waxaa u haboon inuu shaqo kasta oo uu qabanayo si daacad ah oo hagrasho la’aan u ah qabto, ilaahayna wuu kugu ajar siinayaa, walaw shaqada aad u qabanayso inaad ku kasbato maal aad ku dhawrsoonaato oo aad kaga maaranto, inaad dadka wax waydiisato.
Tusaalaha ugu wanaagsan waa, Maalin maalmaha kamid ah xadith uu macnihiisu yahay Ayaa Nebiga Csw oo ay la socdaan asaxaab waxay soo ag mareen nin ka shaqaysanaya beer uu lahaa, kadibna waxay dhaheen yaa rasulallah, wakhtigas miyuu jihaad geliyo iyo xooggaas, kadib Nebigu Csw wuxu yidhi, haddii uu u shaqaysanayo inuu ku nafaqeeyo laba waalid jihaad ayuu ku jiraa, haddii uu sidoo kale u shaqaysanayo inuu ku dhawrsoonaado sidoo kale jihaad ayuu kujiraa…..
Tani waxay ina tusinaysaa muhimada ay leedahay ikhlaaska iyo daacadnimada, Ka islaam iyo Muslimiin ahaan ALLAH wax kasta wuu inoo sakhiray oo xataa shay kasta oo aynu samayno oo khayra ah khayr baa inoogu jira.
Takale, shay kasta oo dunida korkiisa aad hagaajisa waxaad ku leedahay ajar iyo xasanaat, tusaale ahaan shaqadaada oo aad ilaaliso xuquuqdeeda, sida wakhtiga, iyo xeerarka kale ee u yaala. Akhlaaqiyaatkaaga ku aadan diintaada suuban hadday kuu hagaagaan labadaas qodob ee aynu horey ku soo xusnay maqaaladeeni hore aad dabaqdo waxaa hubaal ah inaad noqonayso qof ku guulaysta noloshiisa.
Ugu dambayntii ALLAH subxanah waxaan ka baryayaa inuu inagu anfco cilmigaas kooban, iyo inuu innagu hanuuniyo jidka suuban ee saxan ee aynu waydiisano maalin kasta inkabadan 21 jeer oo aynu salad waajib ah u kacnaba.
Dhamaad
W/Q: Cabdiraxman Mixile
Cyberjaya, Malaysia
Tellno: 0060182319764
Email: 4807060@gmail.com
blogs: mihile24.blogspot.com // mihile24.wordpress.com
websie: http://www.mihile.webs.com









