Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga UNHCR ayaa maanta shaacisay in dad gaaraya 700 tahriibayaal ka yimid Liibiya lagu la’a yahay bada Mediterranean ee u dhaxeysa dalalka Italy iyo Liibiya.
Afhayeenka UNHCR ee Yurub Mr.William Spindler ayaa sheegay in dadkan ay saarnaayeen sadex doonyood oo kala duwan oo bada ku gadoomay Arbacadii, Khamiistii iyo Jimcihii lasoo dhaafay.
Doonta gadoontay Arbacadii ayaa horey saxaafada si weyn u shaacisay, waxaana weli la la’a yahay qaar kamid ahaa dadkii doontaasi saarnaa. Balse waxaa gadoomay laba doonyood oo kale Khamiistii iyo Jimcihii, waxaana isugeyn dadka bada inay ku dhinteen la filayo ay gaarayaan 700.
Dhinaca kale waxaa la sheegay in hada ay jiraan doonyo kale oo bada dhexdeeda ku kharaabay oo loo diray gurmad in lasoo badbaadiyo dadka saaran doonayahaasi, waxaana laga cabsi qabaa shilal kale oo horleh oo ay dad ku dhintaan.
Todobaadkan ayaa noqonaya asbuucii sanadkan ugu dhimashada badneyd dadka Tahriibta ah ee kasoo baxay wadanka Liibiya.








