Jabuuti(AN) Axmed Maax Xasan oo ah Aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga dekada fadhigiisuna yahay dalka Jabuuti ayaa ka warbixiyey heshiiska Dekada Berbera,Aqoonyahanka ayaa Maqaal uu soo gaadhsiiyey shabakada Arabsiyonews kaga hadlay arimo dhawr ah ,waxaanu udhignaa sida tan
Anigoo adeegsanaya aqoonta iyo waayo-aragnimo 31 Sano ah(1984 -2016) oon u leeyahay Shipping,
Maritime & Logistics anigoo ka soo shaqeeya shirkado British/UAE ah iyo kuwo maxaliyaba oo ka
hawgala Djibouti Ports.
Ka dib markaan arkay dad intay
media u yeedhaan hor fadhiistay oo leh waxaan diidanahay heshiiska .
Dawlada Madaxwayne Ahmed M. M. Siiraanyo cidna u daba fadhiisan mayso hawshii loo doortay
iyo danta ummadan meel kastooy ku jirto, wayna ka mudha dhalin.
Intaanan u gonda dagin nuxurka qoraalka waxa habon in aan wax ka taabtaabto DP World.
1999 ayaa la aasaasay Dubai Ports International (DPI) waxay la wareegtay maamulka south container
terminal Jedah, 2000 waxay la wareegtay Port Autonome de Djibouti (PAID), 2002 waxay gacanta
ku qabatay maamulka dakad ku taal India, 2003 mid ku taal Romania.
sept 2005 ayaa waxa isku biiray Dubai Ports International iyo Dubai Port Authority oo sameeyay DP
WORLD.
March 2006 waxay la wareegtay 4 Port oo caalami ah P & O maamulayeen (UK) kuna maalgalisay
3.9 billion dollar.
Muddo aad u kooban ayay ku fiday maamulka dakadaha caalamka waxay ku guulaysatay aqoonsiga
maamul wanaaga ee ISO 28000.
maanta waxay maamushaa 77 dakadood iyo xarumo badeecadeed oo 6da qaaradoodba ku yaal .
waxa ka mid ah 6 terminal container oo China, 4 terminal oo Australia, 6 terminal India ooy ku jiran
Port Channai, Port of Southampton terminal (UK), Dakar – Senegal, South Africa, Canada, Korea,
Algeria, Argentina, Brazil, Russia etc
2006 waxay qabatay maamulka Port Mohamed Qasim – Karachi
waxa u shaqeeya 37000 shaqaalihii ah.
Sanadkii 2015 waxa guud ahaan terminals ka shaqeeyeen 61.7 million teus (twenty foot equivalent
units), waxa u qorshaysan 2020 gaadhsiiyaan 100 million teus.
Djibouti Doraleh container terminal(DCT) waxa la kala Saxeexday 2006 mudo 30 Sano ah waxay
DPW dhistay dakad containers oo casri ah waxa la furay 15 Dec.2008.
DCT waa dakada container terminal ugu mudan dhinaca qalabka qaarada Africa.
2009 waxa la dhaadhiciyay/raray 519500 teus,
2014 – 777391 teus,
2015 – 826886 teus,
2016 (year to date April) – 298866.
waxaad ka arkaysaa xawliga iyo koboca ganacsiga ay marinka u tahay DCT.
DPW waxay horumarisay dakadii iyo Shaqaalihii marsadii hore Djibouti (P.A.I.D),
waxay hirgalisay maamul iyo adeega electronic documentation & customs services la jaan qaaday
marsooyinka caalamka.
Hadaan is idhaa wax ka qor DP World maantoo dhan ka gayoobi mayno, waxaan filayaa intaas ayaa
ku filan in aan waxa ka iftiimiyo xirfada iyo cududa dhaqaale eey leedahay DPW.
Hadaba Heshiiska la saxeexay waa marag ma doon in dhinacyo badan loo manfacsan doona.
Berbera port waxay ka dhaxli doontaa agab casri ah iyo shaqaale ku xeel dheer maaraynta maamulka
dakadaha. Waxa barbar socon doona adeegyo kale iyo kaydinta badeecadaha gobolku u baahan yahay
oo loo soo dhaweeyay halkii Dubai la tagi lahaa.
Berbera port waxay u jirtaa Addis Ababa 915km, waxay si toosay ugu xidhan tahay Ismaamulka
Somalida Ethiopia oo horemar xoogani ka socdo.
waxa lagu talo jiraa jidh tayo leh oo berbera ku xidhi doon tog-wajaale dry port.
Dalka Ethiopia oo maanta ka mida wadamada dhaqaalahoodo "double digit" u korayo isla markaasna
ah marin u gudbinaya gudaha Africa, sidaas darteed ku ma fila dekada djibouti oo la baaxaa dagaysa
badeecada containerized iyo shixnadaha kalaba .
Dakadii hore Djibouti (P.A.I.D) waxa la ceeryoontay maraakiib hoganaya biyaha marsada oo sugaya
dakada oo mashquula (waiting berth)
Dawlada Ethiopia aad bay u soo dhawaysay maalgalibta Berbera Port. Waxay mudnaata koowaad
siinaysaa in la maalgaliyo Berber Port.
Ganacsatada iyo ururka shirkadaha shixnada ka qaad dekada Djibouti (Ethiopian forwarders) waxay
si kalsoon ah u taageereen DP World/Somaliland Gov’t heshiiska ay ku dhisayaan Berbera Port.
Somaliland Ports Authority iyo DP WORLD joint-venture ay wada galeen waxa uu ku soo beegmay
iyadoo baahi xoogan loo qabo dakad kale oo ka jawaabta baahida dhaqdhaqaaqa xawliga ku socda ee
Ethiopia iyo gobolka geeska africa.
siduu ku dhawaaqay Mr. Sultan Ahmed Bin sulyeiman – CEO DP World markii uu berbera port
booqanayay in ay maalgalin doonaan kaabayaal dhaqaale oo kale sida Beeraha iyo Wadooyinka, iyo
suuqa xoraoo bilaa canshuur ah(Free Zones)
Mashruucani waxa uu kordhin doonaa kaabayaal dhaqaale iyo shaqa abuur.
Saami qaybsiga iyo maamulka sare u badan DP World ma ah mashkilad maadaama ay maalgalinta
intaa leeg galinayso oo ay u badheedheen iyadoo aynu garwaaqsi ka waynay dunida gaal iyo
islaamba.
Mr.Sultan Ahmed bin Sulyman chairman DPW waxa uu yidhi mar walba waxaan mudnaanta
siinaynaa danta iyo baahida Somaliland.
Dhinac kale markaan iska taagno maalgalinta dhan 442 million dollar waxa keenatay baahida ganacsi
iyo kalsoonida adag ee dalka iyo dadka Somaliland ay muujiyeen 25 sanno.
waa aqoonsi dhaqaale soona af jaray go'doonkii S/Land ku jirtay.
Mashruucani waxa uu soo jiidan doonaa in shirkado ganacsi/maalgashiba ay soo dagaan Berbera free
zone sida Jebel Ali FZ oo ay maamushaa DPW.
Guntii iyo Gunaanadii faalada:
Tan iyo intii heshiiskan lagu dhawaaqay waxaad maqlaysaa dad muuqii odayaal leh iyo kuwa dan
shakhsi shidayso oo mar uun media kasoo bax is leh iyagoon husban ama darsin waxa uu ku saabsan
yahay aqoona u lahayn DPW maalgalinta & maamulka ay hore meela kale uga hirgalisay.
waxaan la yaabay mid wariyen ahay leh heshiiskii baan soo akhriyay war iyo sir culus ka dhigayay
kuna biyo batalaqaysto.
waxa u haboonayd in uu soo akhristo ama garab dhigo heshiiskii Doraleh Container Terminal
Djibouti ama Dakar iyo Channai (india).etc.
waxa uu iskuday lahaa ceeb u raadi heshiiska toos dawlada S/Land ula gashay DP WORLD.
Cadceeda sacab laguma qarin karo.
Uma baahna wakhti lagu lumiyo qancintooda, Qofka doonaya waxay tarayso inay ogaadaan ha
fiirsadaan waxay u soo koridhisay djibouti iyo intay maalgaliyeen aduunka.
kuwa ka dhigtay af gobaabsiga Golaha wakiilda lama marin, adeer wakhigeeday leedahay waana la
hor gayn ee "ma didee hargooloow ha igu tumin durbaanada iyo daasadaha madhan."
Waxa iga talo ah,Dawlada Somaliland & Ports Authority waa in ay soo diyaariyaan shaqaale aqoon
iyo waayo aragnimada u leh maaraynta logistics & maritime affairs.oo Somalilanders.
waxa loo baahan yahay in sida uugu dhakhsaha badan loo abuuro xafiiskii iyo shaqaale karti u leh la
shaqaynta DPW xag aqooneed iyo kartiba si ay u awoodaan ilaalinta dhaqan galinta heshiiska iyo
danta guud.
Ilaahay baa Mahadaa Leh
Somaliland Ha Noolaatay
Qore: Ahmed Maax Hassan
Maritime & Logistic expert
amaaxh@gmail.com
Tel. 253 77 81 77 18
Djibouti









