Berbera(AN)Wariyihii Telefishanka Somalinews ee Magaaladda Berbera Oo Xabisga Loo Taxaabay Iyo Cidda ka dambaysa xadhigiisa.
Ciidamada Booliska Berbera ayaa xabsiga utaxaabay Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo Ka Hawla Tvga Somnews iyo Shabakada wararka ee Oodweynenews.com sidoo kale waxza isaga ciidamada Booliska Berbera raadinayaa Wariye Axmed Siciid Maxamed oo ah wariyaha Tvga Kalsan Tv ee Gobolka Saaxil ahana taftiraha guud ee shabakada Wararka Mandheeranews.
Xadhiga Wariyayaashan ayaa waxa la sheegay inuu ka danbeeyo gudoomiyaha Golaha deegaanka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan(Cidin)oo waraaq dacwad ah usoo gudbiyay Taliyaha qeybta Booliska Berbera taas oo aan lagu cadayn danbiga loo haysto balse waxa la sheegay inuu gudoomiyaha golaha deegaanku shalay Wariyayaasha ugu hanjabay inuu xidhi xidhi doono hadii ay baahiyaan hadal uu shalay Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre oo katirsan Golaha deegaanku ka jeediyay Madal lagu soo dhaweynaayay madaxdii ka socotay shirkada DP World ee laga kireeyay dekeda Berbera isagoona xildhibaan Saleebaan Cali Khayre waftigaas carabta ahaa usheegay in aanay taageerayn Heshiiska Xukumada Somaliland la gashay shirkadaas ilaa ay arkaan qodobadiisa iyo waxa ay ku saabsan yihiin iyo sidoo kale faa,iidada dalka Somaliland iyo deegaanka Saaxilba uu uleeyahay
Wariya Axmed Siciid Maxamed ayaan ilaa hada aanay gacan ku dhigin ciidamad boolisku iyaga oo ka raadinaya daafaha magaalada Berbera,Mayarka oo aanu xadhiga wariyayaashan wax ka weydiin doono ayaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








