Somaliland:Xukuumadda Somalia iyo Xisbiga WADDANI oo Ka Soo Horjeedsaday Heshiishkii S/Land iyo UAE

0

Hargaysa(AN)Dawlada Somalia iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka soo horjeedsaday heshiiskii maalgashi ee xukuumadda Somaliland la gashay dawlada Imaaradka carabta ee lagu maalgalinayay dekeda Berbera iyo mashaariic horurmarineed oo dalka laga hirgaliyo.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI oo Telefishanka HCTV la hadlay ayaa sheegay  in heshiiskaa dhexmaray dawlada Imaaraadka iyo Somaliland yahay mid sharciga baalmarsan.

“Runtii waxa nasiib daro ah,oo wax laga xumaado ah oo maanta aad iyo aad uga xunahaya in imaaraadka carabta ay heshiis la soo sexeexdeen xukuumaddan uu hormuudka ka yahay Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo uu ku weheliyo Guddoomiyihii xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi arrintaasi oo baal marsan sharciga maalgashiga dalka ,waxaanu dawlada Imaaraadka uga digayaa in uu heshiiskaasi yahay mid qarsoodi ah oo aan sina uga suurto galin shacabka reer Somaliland,waxaan baarlamaanka la marinna sharci maaha”Axmed Muumin Seed guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga WADDANI

Sidoo kale Wasiirka dekeda dawlada Federalka Somalia Md Nuur Faarax ayaa ka soo horjeedsaday heshiiskan maaglashi ee ay dawlaha Somaliland iyo imaaraadku kala sexeexdeen .

“Dekeda Berbera waa meelaha loo baahan yahay in la horumariyo,nolosha mujtamaca halkaasi ka jira (Somaliland),waxay ahayd hal iraam oo ay maasho Somaliland dekeda Berbera,waa meesha nolosha iyo hamiga deganaantaasi ay ku xidhantahay,haddii tii la dhaawacayo masuuliyadu waxay na faraysaa inaan laga aamusin,ma jiro maamul heshiis caalami ah gali kara oo dekeda beriberi Somali kaga wareegto,maxkamad ayay tagi doontaa.Haddii arintu tahay maalgalin,horumarin iyo wax ku kordhin waxaan ahay dadka u horeeya ee soo dhawaynaya” ayuu yidhi Nuur Faarax wasiirka dekedaha Somalia.

Xukuumadda Somaliland ayaa heshiis maalgashi la gashay dawlada Imaaraadka taasi oo lagu maalgalinayo dekeda Berbera iyo mashaariic kale oo lagu fulinayo Somaliland.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Ofice