Arabsiyo News—Waxaa maanta magaalada hargeysa si balaadhan looga xusay sanad guradii 14-naad ee ka soo wareegtay geeridii madaxweynihii hore ee Somaliland marxuun Maxamed Xaajii Ibraahim Cigaal.
Waxaana Xuskan oo lagu qabtey hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa ka soo qeyb galay wasiiro, Xildhibaano , Saladiin, Haween , qaar ka mid ahaa golihii wasiirada ee marxuumka iyo dadweyne kale .
Ugu horeyn waxaa madasha hadalo kooban ka tidhi marwadii uu ka geeroodey Marxuum Maxamed Xaashi Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir waxaana ay sheegtay in sababta ay xuskan u sameynayaan in ay tahay sidii loogu duceyn lahaa alle-na loogu baryi lahaa in uu naxariistii janatul fardawsana ka waraabiyo marxuunka.
Sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadaley qaar ka mid ahaa dadkii aqoonta u lahaa marxuumka iyo qaar ka mid ahaa golihii wasiirada ee uu xukuumadii madaxweyne Cigaal oo ay ka mid yahiin wasiirkii arimaha gudaha ee xukumadaasi Prof.Gees , wasiirkii arimaha dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale , Wasiirkii dalxiisa iyo dhaqanka oo iminkana ah muddane golaha wakiilada Xildhibaan Aareeye iyo xildhibaan Xamuud waxaana ay dhamaantood si baaladhan uga sheekeeyn tariikhdii marxuum Cigaal iyo halgankii uu u galay in uu dalka dhidibada u taago iyaga oo ku sifeeyey halyey qaran oo aanay marnaba Somaliland ilaawin Doonin, sidoo kalena waxay alle uga baryeen inuu alle godka u nuuro janadiisa fardawsana ka waraabiyo.
Dhinca kale waxaa iyaguna hadalada iskaga daba maray oo hadalo kooban madasha ka yidhi Wasiirka warfaafinta Mr.Caadani , gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe , musharaxa madaxweyne ee xisbigaasu Jamaal Cali Xussen Suldaanka guud ee beelaha subeer awal Suldaan Xassan, waxaana ay dhamaantood ka dhaawjiyeen in marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ahaa aabihii qaranka Somaliland lugaha u taagey, waxanay dhamaantood ka dhawaajiyeen in laga wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa qaranimada Somaliland, sidoo kalena waxay alle u baryeen inuu alle u naxariisto.









