Muqdisho(AN) Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii gudoomiyaha Maxkamada Sare ka qaaday Ceydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf, oo isagu mudo dheer hayay ilk jagada gudoomiyaha Maxkamada sare,
Madaxwaynaha Somaliya waxa uu sidoo kale magacaabay bedelka gudoomiyihii hore Caydiid Ilka Xanaf isaga oo bedelkiisa u magaacay masuul dhawaan iska casiley xukumada Somaliland oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan kaasi oo mudo hal bill wax ku dhow ka sii maqan xilka jagada garyaqaanka Guud ee Somaliland oo uu iskii iskaga casiley,
Gudoomiyaha Cususb Ibraahim-Iidle-Saleebaan

Gudoomiyihii hore ee haatan Madaxwaynaha Somaliya Xilka ka qaaday ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyada oo dhanka kale masuulka la magacaabay uu ka soo jeeda isla Somaliland iskuna Beel yihiin gudoomiyaha haatan xilka jagada gudoomiyaha Maxkamada laga qaaday.
Arabsiyonews.com
Arabsiyonews@gmail.com
Muqdisho/Office








