Hargaysa(AN) Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxa ayaa ku gacan saydhay dhex dhexaadin ay qorshaynayeen in ay khilaafka xisbigaasi dhex galaan golaha guurtida Somaliland waxaanu sidoo kale gudoomiyaha Ucid ka hadlay warqad digniin ah oo ay usoo gudbiyeen gudida diwaan galinta ururada siyaasada kuwaasi oo laba dhinac ee isku haya xisbigaasi uga digay dhaliilaha ay warbaahinta isku marinayaan.
Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.
“Waa fariin fiican waanan soo dhawaynayaa waana wax loo baahnaa,anagu marka horeba maanu wadin wax dacaayad ah ee iyaga ayuunbaa caytamayay iyaga oo isbiga ku jira, waa wax loo baahnaa in haayadaha dawladu shaqeeyaan oo ay waajibkooda gutaan,”
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay wixii go,aan ah ee ka soo baxa gudigaasi iyo kalsoonida uu ku qabi karo ayaa yidhi.
“Kalsooni, iyo kalsooni la,aanba waa shaqadoodii waa xilkii loo igmaday ee dhawaan mudadii loogu kordhiyey sidaa awgeed aad iyo aad ayaan usoo dhawaynaynaa,”
Ugu danbayn Faysal oo wax laga waydiidyey in ay jiraan dhex dhexaadin dhinaga golaha guurtida ah ayaa sheegay in aanu aqbalayn wax dhex dhexaadin ah oo ka timaada dhinaca guurtida isaga oo sharci daro ku tilmaamay waan waan afka ah oo khilaaf lagu soo afjaro.
Sidaasi waxa uu Faysal Cali Waraabe ku sheegay xili uu u waramayay Wargayska Himilo ee ka soo baxa magaalada Hargeysa
Arabsiyonews.com
Arabsiyonews@gmail.com
Hargaysa Office








