Hogaanka Kulmiye Oo Kormeeray Diwaan galinta Codbixiyayasha ee Casimada Hargaysa

0

Hargaysa {AN}-Hoggaanka KULMIYE oo Kormeeray Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee  Hargeysa Masuuliyiinta sare ee xisbigu waxay Madaxweyne Siilaanyo kala qaybgaleen  is-diiwaangelinta codbixinta maalinta kowaad ee Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa (KULMIYE)- Hoggaanka sare ee xisbal-xaakimka Somaliland ee  KULMIYE, ayaa kormeeray  habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta  codbixiyayaasha ee magaalada Hargeysa oo ah maalinta kowaad ee guud  ahaan Gobolka Maroodi-jeex ay ka bilaabantay. Masuuliyiinta xisbiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad,  ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxay kala  qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed  Siilaanyo oo iska-diiwaangeliyey xarunta Guriga Shaqaalaha saaka,  halkaas oo sidoo kale xubno wasiirro ah iyo qaar ka mid ah madaxda  xisbigu ka qaateen waraaqaha kaadhka codbixinta lagu gali doono  doorashooyinka u qorshaysan dabayaaqada bisha March ee sannadka 2017. Waxa kaloo madaxda KULMIYE ka qaybgaleen madal Komishanka iyo madaxda  axsaabta siyaasaddu ku shaacinayey bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta  gobolka Maroodi-jeex, taas oo shacabka loogu baaqay inay si buuxda isku  diiwaangeliyaan. Intaas kadib Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin  oo ay wehelinayeen Xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid, Guddoomiyaha  Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, Afhayeenka xisbiga Xasan Gaadhaafi iyo  saraakiil kale oo ka tirsan xisbigu bilaabeen kormeer ay ku soo mareen  dhawr goobood diiwaangelineed oo ka mid ah kuwa dadweynaha laga siinayo  waraaqaha kaadhadhka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xarunta Guriga  Shaqaalaha, dugsiga 26-ka June, xarunta Agoomaha Hargeysa iyo meelo  kale, kuwaas oo ay u kuurgaleen sida shaqadu u socoto, iyagoo si kooban  uga xog-waraysanayey hawlwadeennada fulinaya diiwaangelinta siday hawshu  ugu socoto iyo inay jiraan wax caqabado ahi. Waxa kaloo ay ku  dhiirrigelinayeen dadweynaha inay u dulqaataan kuyuuga qaadashada  kaadhka codbixinta.

 

Arabsiyo Desk

ArabsiyoNews@gmail.com