Hargaysa–{AN}—Warar og ogaal ah oo hada soo gaadhaya xafiiska war qababdka Shabakada Wararka Hangoolnews ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland
Khilaafka ayaa ah mid u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradaasi Cabdilaahi Maxamuud Daahir Cukuse iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradaasi Cabdirashiid Maamuud Cali (Riyo-raac) kuwaasi oo khilaafkoodu salka ku hayo awoodaha Wasaaradda,
Waxaana uu Wasiiru-Dawlaha Wasaaradaasi Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo Raac u cabasho ka muujiyey awood maroorsiga Wasiir Cakuse kaasi oo aan wax la tashi iyo war galin ah la samayn Wasiiru-Dawlahiisa,
Iyada oo khilaafka uu hore u ahaa mid huursan tan iyo intii wasaardaasi loo soo badalaya Cabdilaahi Maxamuud Daahir Cukuse hase yeeshee waxa uu khilafkan dibada usoo baxay intii dib loo bilaabay hir galinta mashruuca Banka Qoolcaday kaasi oo uu Wasiirku si beelaysan ula wareegay uguna maamulay gabi ahaanba shaqadii Wasaarada iyada oo aanu wax talo ah la wadaagin Wasiiru-dawlaha iyo sidoo kale masuuliyiinta wasaaradda ayna u sahashay maamulitaanka iyo awood ku takri falka Wasaaradu Banka Qool-caday oo ku yaala Deegaanada uu ka soo jeedo Wasiir Cakuse,
Xogaha kale ee Shabakada Hangoolnews ka helayso Khilaafkan ayaa sheegaya in Wasiiru dawluhu cabasho ka dhan ah wasiirka Wasaaradaasi u gudbiyey Madaxtooyada taasi uu nuxurkedu ahaa talo maroorsiga wasiirka wasaaradda uu Wasiiru dawlaha ka yahay kaasi oo aan wax talo ah kala wadaagin hawlaha wasaaradda ay masuulka ka wada yihiin.
Madaxtooyada ayaan wali wax go,aan ah ka soo saarin cabashada Wasiiru-dawlaha xanaanada Xoolaha Somaliland.
Arabsiyo Desk
ArabsiyoNews@gmail.com








