Mashrucii Biyo Baladhinta Magalada Burco La Filayay Inay Ka Bilowdo SDF Oo Aan Wali la Bilabin Iyo Ujeedka Loo Aanaynayo Inuu Mashrucii Wali Bilabmin

0

Arabsiyo News—iyadoo ay Dhawaan Cabasho Xoog leh oo dhanka biyo la-aanta ah ay ka dayriyeen dadka danyarta ah ee ku dhaqan xaafadaha barakacayasha ee magalada burco ayaa waxa bishii u danbaysayba dadwaynaha ku nool gobalka togdheer ay si wayn isu waydinayeen sababta loo bilaabi la yahay mashrucii biyo baladhinta burco oo ay bilabaysay Somaliland Development Fund (SDF), Mashruucani biyo baladhinta oo qorshihiisu ahaa inuu bilabmo sida loo qorsheyay Bishii Sadexaad Sanadkan ayaa ilaa iyo hada Aan la bilabin mashrucani biyo baladhinta, Dadwaynaha ku Nool Magalada burco iyo waliba dadka Danyarta ah ee ku dhaqan Xaafadaha barakacayasha ayaa bishii u danbaysa iswaydinayay sababta amaba ujeedka ka danbaysa in aan ilaa hada la bilabin mashruucani maadama oo ay jirto Biyo yari soo foodsartay magalada burco

tan iyo wakhtigii wakalada biyaha burco laga caydhiyay maamulki hore ee Majaraha u hayay wakaladaasi, Wasiirka Wasaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa isaga ilaa imika aan ka hadlin Biyo la-aanta soo foodsartay magaladda burco waxaanu wasiirku si cad indhaha uga qarsanayaa inuu wax ka qabto Cabashada Xoogan ee ka soo Yeedhaysa Dadka Danyarta ah ee ku Dhaqan Xafadaha Barakacayasha burco oo ka Cabanaya biyo la-aan, Dadka indheer Garadka ah ee ku Dhaqan Gobalka Togdheer ayaa Eegaya Talabada Uu Arrintani ka Qaado Wasiirka Biyaha Oo isagu ku Maqan Gobalada bariga Somaliland gaar ahaanba Gobalka Sanaag,

Dhinaca Kale ilo wareedyo lagu kalson yahay ayaa Saxafadda u Xaqijiyay in khilaaf Xoogani soo kala Dhex Galay Maareyaha Wakalada Biyaha iyo Waliba Mulkilayasha iyo Maamulayasha Beeraha ka dib markii lagu soo Rogay Amaro Cusub, Sidoo kale waxa iyaguna ilaa hada Xaniban Taangiyadii Kaydka Biyaha oo ay Maalgalinaysay Haayadda IOM,

Ugu Danbayntii Dhawaan ayay ahayd Markii Mareyaha Wakalada Biyuhu soo Ababulay Gudiyada Xafadaha Burco Kuwaasi Oo Laga Horgeyay inay ka Jawabaan Biyo La-aanta ka jirta Xafadaha Barakacayasha.

 

 

Arabsiyo Desk

arabsiyoNews@gmail.com