Madaxweyne Kaladir Magafayaasha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Damiiray Isku Casilaan Malahee.! Maxamed Siddiiq Dhamme

0

Arabsiyo News=—

Niyad wanaag iyo nabad jacayl umaddeed ayay Somaliland ku taagantahay, rubuc qarni aan isbedel umaddeed iyo horumar la mahadsho lagu tallaabsan ayaynu u dabaaldegayna oo ay ku baanayaan inay dawladnimo habboon oo damaanad qaadday nolosheena la hadhsanaayo dhurwaayada dhuuxay lafaheenu. Damiir xumo iyo ceeb ka darani ma jirto

Marka masuuliyadda laguu doortay aad ku fashilanto ee aan garashadaadu ku farin amaanada umadda celi macangaganimo ka weyni ma jirto. Maaraynta mushkiladaha nololeed ee innagu xeerani xalbay u baahanyihiin xilkiisa aad leedihiin. Xukuumadda heeryadeed cuni marra-waaxid waxay mudantahay in cod midaysan gafanayaasha dhiiga danyarta lagag jaro!

Waa masuuliyadiina hooyada ilamdu dhabankeeda qoysay ee beerku hurayaa, waa masuuliyadiina horumar la’aanta dhallinyarada aan qorshe loo samayn, waa masuuliyaddiina dawladnimada eexda iyo qabyaaladda ku kala soortay shacabka simani, dhaxalka taariikhada idiin kaydsanid waa budhcad boobtay umadda.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ceeb weynbaa dul hoganaysa, haddi inuun damiir jiro halla kala diro mar haday is casili waayeen oo aanay lahayn dareenka yaxyaxa, wasaaradu shaqo muhiima iyo waax muhiima qaranka u qaabilsan weeyaan kaalintayse qaadatay waa kaalin aan la mahadin. Mushahar in lagu qaato masuuliyadda intaa leeg ee ay sugayaan shaqadeeda boqlkiiba toddobaatan bulshada dadka kaihi in isbedel degdega lagu sameeyaa habboon.

Madaxweyne abaal uga dhiga dhallinta inaad kala dirto magafayaasha aan waxba soo kordhin ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, haddi qaranka in uun lexejeclo kaa hayso oo aad damqasho iyo dareen leedahay wasaaradda dheeradka ku ah qaranka ee lagu hafray magaca dhallinta Somaliland go’aan degdega ka gaadh. Masuuliyiinta danbe ee aad magacabaysana ka dhig kuwo la dareena dhallinyarada oo aqoon iyo karti leh. Kadda reernimada aan la mahadin ee aad ku cugto Wasiirka wasaaradda muhiimka ah.

Intii talada dalka ay haysay Xukuumadda Kulmiye waxa isbedelay oo iska dhaxlay Wasaaradda ayaandaran shan wasiir, mid keliyihii muu ahayn wasiir garoon lagu ciyaarayo cagaha dhigay, masuul aqoon iyo karti u leh inuu siyaasad iyo qorshe lagu badbaadinaayo dhallinta keeno. Wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha maqaar-saar qaranka ku dheeraadaay ahayd lixdaa sano.

Muddo xileedkaa waxa la qabtay laba tartan oo mid badhtanka ku fashilmay, labada koob mid wuxuu ahaa kii qabyaaladda ee dhallintu aanay mahadin, midka fashilmayna waa kii dhiigu ku daatay. Dunida tartan qaran oo dhexda ku joogsada m ajiro waa ceeb qaran iyo masuuliyad daro wasaaradeed tartanka fashilmay. Horyaalo ay qabtaan ha sheegin waa hafar iyo hagardaamo been lala taaganyahay warbaahinta