Madaxwayne Siilaanyo oo tacsi udiray Allaha unaxariistee Dr Dixood oo ku geeriyooday Hargaysa

0

Hargaysa(AN)Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, geerida ku timid Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ku geeriyooday maanta Magaalada Hargaysa, madaxwaynuhu wuxuu si gaara  uga tacsiyadaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Dr. Dixood, iyo dhammaan shacbiga Somalilandba.

Madaxwaynuhu wuxuu ku sifeeyay Dr.Dixood nin ku suntanaa Waddaniyadda Somaliland, kana mid ahaa aas-aasayaashii iyo halgamaagii horseeday xornimada dalka ee SNM, wakhti xaadirkana ka mid ahaa La-taliyayaasha Madaxwaynaha.

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.