Ankara (AN) Dawladda Turkiga, ayaa u yeedhay safiirka Jarmalka si ay wax uga waydiiyaan hees laba daqiiqo socotay oo lagu dhaleeceeyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo uu baahiyey telefishanka Jarmalka, sida ay ilo-dibloomaasiyeed u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP oo Maankaab soo xigtay.








