Arabsiyo News—-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka dhawaajiyay ina gurmad deg deg ah gaadhsiin doonaan dadka abaaruhu ku saameeyeen gobolada iyo degmooyinka dalka.
Waxaana uu wasiirku sidoo kalena ka dhawaajiyay inay galabta u bixi doonaan goobaha ay abaarta xuni ka jirto iyaga oo sidoo kalena diyaariyay deeq raashin iyo biyo iskugu jira oo ay ugu talagaleen inay gaadhsiiyaan dadka abaaruhu saameeyeen.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka








