Arabsiyo News—Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland sidoo kalena kamida gudidii uu dhawaan madaxwaynaha somaliland u magacaabay gudida abaaraha somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ku dhawaaqay in dalka oo dhan laga wada oogo saalada roob doonta si alle subaxaanahuu watacalaa raxmaadkiisa inoogu shubo, waxaana uu sheekhu iclaamiyay wakhtiga laga wada tukan doono salaada roob doonta dalka oodhan waxaana uu yidhi.
“Waxaan maanta halkan ka cadaynaynaa kana iclaaminaynaa in maalinta salaada ee fooda inagu soo haysa aynu dalka oo dhan ka wada tukan doono salaada roob doonta oo aynu mar labaad ku celin doono sidii cadaada inoo ahayd,waxaanan soo cayimi doonaa saacada iyo goobaha lagu tukanayo intaa ay socoto wacyigalintu si alle inoogu naxariisto”Sidaas ayuu yidhi Wasir Sheekh Khaliil.
Dhan kalena wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay ina wanaaga is faraan isla markaana ay ka waantoobaan waxii xumaan ah ee alle ka cadhaysiinaya, waxaana uu baaq u diray culimada masaajidada dalka oo dhan waxaana uu yidhi.
“Waxaan bulshada faraynaa in alle ay u toobad keenaan oo ay alle dhankiisa u laabtaan oo ay wax kaste oo alle ka cadhaysiinaya waa inay ka waantoobaan si alle raxmaadkiisa inoogu shubo, gudida abaaruhuna waxay shaqaynaysa muddo bil ah waxay gurmad gaadhsiisay in ka badan 80 goobood oo dalka ah waxaanay ay mucaawimo gaadhsiiyeen ilaa in kabadan 17,000 (Todoba Iyo toban Kun)oo qoys waxaana u qorshaysan hada in ay gobolada bariga gaadhsiiyaan hadii alle yidhaa”Sidaas ayuu hadalkisa kusoo koobay Wasiirk diinta iyo awqaafta somaliland.








