Madaxwayne Siilaanyo oo qaabiley safiirka QM u qaabilsan dalka Somaliya

0

Hargaysa(AN)Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti uu hogaaminaayey Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan  Somaliland  iyo  Soomaaliya General Michael Keating oo markii ugu horaysay Dalka yimid.

Kulankaas waxa Madaxweynah ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Kulanka ka dib waxa ka warbixiyey wasiirka Arrimaha dibeda iyo ergeyga oo si wada jira ula hadlay saxaafada

 

Arabsiyonews.net

Hargaysa Office