Hooyo Aan Seexan Muddo Hal Sanno Iyo Bil Ah Oo Cusbitaalka Hargeysa Ku Haysa Ilma Yar oo Madaxa Biyo Kaga Furmeen+Sawiro

0

Arabsyo News—Hooyo Saynab Omaar  waa hooyo dan yar ah oo  ku nool magaalada hargeysa, Waxay cusbitaalka guud ee magaalada hargeysa ku haysaa ilma yar oo ay dhashay oo da’diisu tahay 1 Sanno Iyo Bil laguna magacaabo Yaxye Maxamud Xaashi.

Waxa ilmahan yar madaxa kaga furmay biyo taasi oo sababtay in uu madaxu waynaado. Hooyo saynab ma haysato dhaqaale ku filan oo ay cusbitaal dabadeed ay ku gayso ilmaheeda si caafimaad loogu raadiyo Alla caafimaadka bixiyee.

Hooyada aan saaka ku booqanay cusbitaalka wayn ee magaalada hargeysa ayaa waxay nooga warbixisay xaalada ilmahan yare ee ay dhashay  sidoo kalena waxay noo sheegtay muddada uu xanuunsanayay ilmahan yar waxaana ay tidhi

“Ilmahan anaa dhalay waxa uu xanuunsanayay mudo hal sano iyo bil  oo aanu marnaba aanu xalaad caafimaad helin wax kusoo kordha mooyee, sidaas aad arkaysaan ayuunbuu u jifaa, madaxa ayay biyo kaga jiraan oo waad aragtaan muuqaalkiisa iyo inta uu madaxu leekaaaday, markii hore inyar uunbay ahaydoo dhinac ayay kaga jireen, tuunbaa la galiyay oo qaliinbaa lagu sameeyey markaas ayay biyuhu kusii kordheen, xanuunkuna waa mid uu kusoo dhashay”Sidaas ayay tidhi Hooyo Saynab.

Sidoo kalena hooyo saynad waxay ka dhawaajisay inay u yimaadeen marwada madaxwaynaha iyo wasiirka caafiimaad ka somaliland Saleeban Xaglo Toosiye balse aanay wax alaale waxay u qabteen aanay jirin oo aanay dib ugu soo noqon waxaana ay tidhi.

“Marwada madaxwaynaha iyo wasiirka caafimaadkuba way ii yimaadeen waxay igu yidhaadeen waan qaadaynaa ilmaha laakin dib uma arkin waxay igu soo celiyeena ma jirto, dhakhaatiirtuna waxay igu yidhaahdeen cusbitaal dabadeed mooyee gudaha dalka waxba lagagama qaban karo,aabihiina ilmaha yar wax camala ama shaqo ah ma hayo”

Dhanka kalena Hooyo Saynad Oomaar waxay bulshada somaliland ee ku kala sugan guddo iyo dibadba, xukumadda iyo cid kaste oo wax haysata ay ka codsatay in laga caawiyo sidii uu ilamaheedu caafimad u heli lahaa waxaana ay tidhi.

“Umadda somaliland eek al jooga gudo iyo dibad,masuuliyiinta dawlada iyo cid kaste oo alle wax siiyay waxaan ka codsanayaa inay isoo caawiyaan ilamahaygan  yar si caafimaad loogu helo Yaxye Maxamuud Xaashi”

Hooyo Saynab waxay noo shegtay intii aan ku sugnayn cusbitaalka wayn  in aanay seexan muddo ku dhaw hal sanno iyada oo usoo jeeday una seexan wayday  xanuunka ilmaheeda haya oo ah mid uu madaxa biyo kaga furmee.

Walaal hadaba qof kaste o islaama oo arka ilmahan yar ee xaaladan ku sugan waxa laga codsanayaa inaad kusoo caawisaan  waxii karaankina ah sii uu caafimaad u hello alla caafimaadka bixiyee Yaxye Maxamuud Xaashi

Telefoonkan iyo Account kan waxii caawimo ah ugu hagaasi alla waxaad bixisay hakuu laban laabee

DSC02785 DSC02784DSC02782