Ciidamo Dheeraada Iyo Diyaaradaha Qumaatiga U Kaca Oo Itoobiya Ku Biirinayo Ciidamadii Hore Uga Joogay Somaliya.

0

Arabsiyo News—-Ururka Midowga Afrika iyo Itoobiya ayaa maanta kala saxeexday heshiis is-fahan oo lagu geyanayo Somaliya ciidamo dheerad ah oo ka socda Itoobiya iyo diyaardaha qumaatiga-u-kaca ee helikabtrada ah.

Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya ku yaboohdo urur ‘battalion’ ciidamo ah iyo tiro helikabtaro ah oo aan la cayimin. Heshiiska oo ka dhacay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidamadan lagu xoojinayo kuwa AMISOM si argagixisada loola dagaalamo, isla markaana Soomaaliya loo xasiliyo.

Ururka Al-shabaab ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey xoojiyey weerarada ay ku qaadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somaliya.

Itoobiya ayaa horey u sheegtay in ciidamo gaadhaya 4395 ay ku biirisay xooggaga AMISOM ee ku sugan Somaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa ka kooban kuwo ka socda wadamada Kiiniya, Yugaandha, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya.

 

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com