Arabsiyo News—Haweenay magaceedu yahay Ohood Al Roumi oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Farxadda ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) dhowaan, ayaa markii xilka loo dhaarinayey kadib xidhatay silis ay ku qornayd (Happy) “Farxad” si ay u muujiso xilka loo dhiibay.

Ohood Al Roumi oo ah haweenaydii ugu horreysay ee qabta xilka Wasiirka Wasaaradda Farxadda Imaaraadka Carabta, ayaa lagu hor dhaariyey Sheekh Mohammed bin Rashid Al-Maktoum oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’isal-wasaaraha iyo waliba maamulka Dubai.
Sheekh Mohammed, ayaa wasaaradaha Farxadda, Dulqaadka iyo Arrimaha Dhallinyarada markii u horraysay ku soo kordhiyey golaha wasiirrada toddobaadkii u dambeeyey, kuwaasoo ka shaqayn doona sugida farxada iyo dulqaadka shacabka Imaraadka.