Mudaharaad Ay Dhigeen Darawaliinta Gaadiidlayda Tigaha Oo Magaalada Burco Ka Dhacay+Sawiro

0

Arabsiyo News—Darawaliinta gaadiidlayda tigaha(Bajaajta)Ayaa saaka mudaharaad ka dhigay gudaha magaalada burco.

Waxaana mudahraadkan oo socday mudo yar oo saacado ah  aan sababin wax khasaare ah sida oo kalena  ay darawaliintu kaga soo horjeedeen sida la sheegay amar ay soo saareen dhawaan gudida nabadgaliyada gobolka togdheer oo ka kooban maamulka gobolka togdheer ka degmada burco iyo laamaha amaanka kuna shaaciyeen  inaanay Gadiidka tigaha kaxayn Karin qof aan sharciga Liisanka wadan isla markaana aan ka yarayn 20 Sanno Jir.

Ciidanka amaanka gobolka togdheer ayaa si la sheegay xabsiga u taxaabay qaar kamida darawaliinta mudaharaadayay.

gabagabadiina ciidanka amaanka gobolka togdheer ayaa ku guulaystay  inay kala daaeeriyaan dadawaynahaasi ama darawaliinta gadiidka tigaha ee iskaga kala goosha xaafada magaalada burco ee mudaharaadayay.