War-saxaafadeed: Abuurista Waaxda Samo-falka iyo Naafada Xisbiga WADDANI.

0

KU: Mudane: Cabdiraxmaan Sh. Xuseen Cabdillaahi

KU: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI

KU: Xoghayaha Arrimaha Gudaha WADDANI

OG: Laamaha Dibadda ee Xisbiga WADDANI

OG: Guddiga Fulina ee Xisbiga WADDANI

OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI

OG: Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

Ujeeddo: Abuurista Waaxda Samo-falka iyo Naafada Xisbiga WADDANI.

Markan darsay: Qod 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markan Arkay: Baahida loo qabo In la buuxiyo Waaxda- Samafalka iyo Naafada

Markan la Tashaday: Xubnaha hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markan ku Qancay: Waayo Aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay.

Xisbiga WADDANI wuxuu go’aamiyey in la abuuro Waaxda Samafalka Iyo Naafada ee Xisbiga WADDANI.

Xisbigu wuxuu madaxa waaxda cusub ee samafalka iyo naafada u magacaabay in uu noqdo Mudane: Cabdiraxmaan Sh. Xuseen Cabdillaahi.

Waxaa laga codsanayaa dhammaan laamaha xisbiga ee dibedda, gudaha iyo Hey’adaha caalamiga ah in ay gacan siiyaan xilkiisa cusub.

Waxaannu Illaahay kaaga baryeynaa in uu xilkaa ku fududeeyo.

ALLAA MAHAD LEH

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI