Arabsiyo Shalay Iyo Maanta

0

Arabsiyo News—Degmada Arabsiyo waa goob ku haboon Dalxiiska iyo tamashlaynta Gaar ahaan xililga Gu’ga, Mudooyinkan dambe waxaad moodaaa in ay talaabo talaabo ay isku badalayso Arabsiyo, markaad u eegto bilicdeeda, Dhalinyaradeeda, Sawirkan hoose waa isla Goobta uu ku yaalo Dugsiga Hoose ee Degmada Arabsiyo, agagaarkiisa, waxaad ka dareemaysaa sida uu isku badalay Bilic ahaan, oo ay sababtay Cimilada is badashay Awgeed.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Inkastoo ay jira Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Degmada Arabsiyo taas oo iyagu dhankooda Horumariya, wallow aanay wada gaadhi karayn , hadana intii Karaankooda ah uun sameeya.

 

Waxa kale oo aad Moodaa inay ka mashquuleen, Dhamaan Dadki u dhashay Arabsiyo, iyagoo ku jeeda Danahooda gaarka ah, halka ay iloobeen Dantii guud, ee ahayd in Degmada Arabsiyo la horumariyo, lana raaciyo Qayrkeed.

 

Kala soco Dhawaan ArabsiyoNews.net Barnaamijyo goos goos ah taaas oo ka turjumaysa xaalka Degmada Arabsiyo oo aanu ugu magacdarnay ARABSIYO SHALAY IYO MAANTA, Hadii aad hayso Xog Dheeraad ah oo ku saabsan Arabsiyo Fadlan nala soo Xidhiidh.

 

By:

Cabdifataax Maxamed Giryaad

Arabsiyo Main Office

Arabsiyonews@gmail.com

+252-63-4654654