Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Soo Xidhay Shirkii Sanadlaha Ahaa Ee Gudiyada Nabadgalyada Degmooyinka Dalka+Sawiro

0
Arabsiyo  News—Agaasimana Guud Ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed ayaa maanta  duhurnimadii  si  rasmiya usoo  xidhay  shirkii  sanadlaha ahaa  ee gudiyada nabadgalyada degmooyinka  dalka oo muddo  sadex cisho ah  ka  socday  hotel  Safari.
Shirkani  oo  furmay  02/02/2016 ayaa  gudiyada  nabadgalyada degmooyinka dalku   kaga faa’iidaysteen   waxyaalo badan  kaasi  oo   todobor la xidhiidha shaqada ay  qaranka u  hayaan  iyo sidii ay  ula  shaqayn lahaayeen dawladaha hoose  lagu  siiyey  mudadii uu  shirku  socday.
Agaasimaha  Waaxda Maamulka Gobolada iyo degmooyinka ee wasaarada  arrimaha gudaha Somaliland  Maxamed Cali daalin oo  halkaasi  ka hadlay   ayaa  gudiyada uga mahad celiyey  mudadii koobnayd ee ay  wakhtigooda usoo  hureen sidii ay u qaadan lahaayeen  tobobarkan  waxaana hadaladiisii kamid ahaa .
‘’sadexdii  cisho  ee aad joogteen halkan  runtii  waydinaa sheegay inaad wax weyn ka korodhsateen oo gaar ahaan  xilka idinsaaran  ka bulsho ahaan idinka oo folantiyer ku  shaqaynaaya ta ugu muhiimsanina waxay ahayd inaynu  aragtida isku  mid ka noqono oo aynu  garano  idinku  inaad is xilqaanteen dadka aan la shaqaynaysaana kuwii aad doorateen inay  yihiin waanaynu  isla garanay  waxbadan ka dib  waxa kaloon isla garanay sidii aad u wada shaqayn lahaydeen”Sidaas ayuu dhahay Maxamed Cali
Shirka ayaa  inta  badan ku qotomay  tababar masuuliyiinta degmooyinka loogu  iftiiminayo  doorka ay ku  leeyihiin  maamulka  iyo wada shaqaynta  dawladaha  hoose ay la leeyihiin.
Ugu danbayntii Agaasime Cabdifataax Siciid Axmed oo  shirkaasi   soo  xidhay  ayaa gudiyada degmooyinka  uga mahadnaqay  sida wanaagsan ee ay  uga faa’iidayteen  hanaanka  iyo  kor u qaadida  maamulka doorkooda ay ku  leeyihiin  taaso  waxban uga baxay  mudadii  yarayd ee  uu  tobabarku u  socday  waxaa hadaladiisii kamid ahaa sida tan.
 “waxaan jecelahay inaad  ka faa’iidaysaten sadexdaa cisho  waxyaalo  badan  dadkii iyo bulshadii aad ka timaadeena aad gaadhsiindoontaa isha allaah ana isha allaahu waxaad idin  balan qaadayaan in  golayaasha deegaanku idinla shaqeeyaan  wixii cabasho ahna dibbaanu  u  egi doonaa  mar walbana waynu  is xog waraysan doonaa isha allaahu   tacaala  safar salaama  khayrbaan idiin rajaynayaa”sidaas ayuu hadalkisa kusoo koobay agaasimuhu.