Daawo Sawirada” Xukun adag oo lagu riday Dhalinyaro Soomaaliyeed oo kufsaday Gabar British ah

0

Arabsiyo News—Maxkamad kutaala Magaalada Manchester ee dalka Britain , ayaa xukun adag oo xabsi ah waxa ay ku riday Sadax dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaa oo lagu eedeeyay in ay kufsi u geesteen gabar u dhalatay Dalka Britain.

Dhalinyaradan sadaxda ah ee lagu helay dambiga kufsiga ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Muxiyadiin Cismaan, Bilaal Axmed iyo Mowliid Yuusuf, waxaana dhalinyaradan loo heestaa in gabar yar oo u dhalatay dalka Britain ay ku dhax kufsadeen Hotelka lagu magacaabo The Victoria Park.

Wiilashan Soomaaliyeed oo da’dooda lagu sheegay 20-sano jiro ayaa kufsiga geestay bishii August ee sannadkii 2013-kii, waxaana kufsiga ka sakoow lagu eedeeyay wiilashan in ay gabadha ka dhaceen moobeel ay wadatay iyo boorso ay ugu jireen alaabo kala duwan.

Garsooraha Maxkamadda Manchester Crown Court , ayaa ugu dambeyn sadaxdan dhalinyaro waxa ay ku riday xukuno adag oo xabsi ah, maxkamada ayaana ku riday Muxiyadiin Cismaan iyo Bilaal Axmed 12-sano oo xabsi ah midkiiba halka Mowliid Yuusuf lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.