“Warka Xisbiga waddani Suuqa galiyey waa sheeko iyo Show soo jiidasho u muuqday”C/waaxid C/raxmaan

0

Arabsiyonews-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdilaahi, ayaa sheegay inaanu jirin wada-xaajood rasmiya oo u furmay Xisbiga Waddani iyo Kutlada Xisbiga Kulmiye hore uga tirsanayd ee ay hogaaminayaan Murrashaxiintii qaaday Shirkii Golaha dexe ee Kulmiye.
“Beryahan waxaa saxaafada ama dad kala duwan kasoo baaxayey in wada hadal u socdo Isbahaysiga Kulmiye iyo Xisbiga Waddani. Waxaan halkan ku cadaynayaa in aanu jirin wada xaajood rasmi ah oo u furmay Isbahaysiga iyo Xisbiga Waddani”sidaas wuxuu ku sheegay Cabdiwaaxid fariin qoraal oo uu ku baahiyey bar-kulanka Bulshada ee FACEBOOK.
Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “ way dhici kartaa in dadka qaar ay sheekaystaan, Laakiin Majiro Isbahaysiga Cid ay wax ku heshiiyeen”.
Xubno kale oo kamida Siyaasiyiinta u badan wasiirraddii Xukuumadda Siilaanyo iska casilay bishii October, oo warbaahinta la hadlay shalay iyo Maanta, ayaa meesha ka saaray jiritaanka wada-hadal toos ah oo u socda Waddani.
Arrintan ayaa waxay meesha ka saaraysaa hadal hayn beryahanba suuqa ku jirtay oo sheegaysa inay kooxda Isbahaysiga Kulmiye ku biirayaan Xisbiga Waddani, marka laga yimaado xubno kamida oo aad moodo inay u janjeedhsadeen dhinaca Murrashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani ayaa aad u hadal-hayey maalmahan inay ku biirayaan Isbahaysigu Xisbigooda, laakiinse taasi waxay u muuqataa sheeko ay ku soo jiidanayaan Xisbiyahanada Kulmiye ka falaagoobay.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office