Arabsiyo News–Dawlada Djibouti ayaa loogu baaqay inay joojiso cabudhinta iyo gacanta birta ah ee ay kaga hortagayso dhaqdhaqaaqa mucaaridka.
Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay ayaa lagu wargaliyay inay cadaadis ku saaraan dawlada Djibouti xooga iyo cabudhinta ay ku muquuninayso mucaaridka ka soo horjeeda,xilli waddanka Djibouti u diyaar garoobayo doorashooyinka madaxwaynaha oo dalkaasi ka dhacaya sannadkan gudihiisa bisha April.
Urur u dhaqdhaqaaqa arimaha siyaasada iyo bulshada Afrika,xaruntiisuna tahay magaalada Paris ayaa warqad u diray qaramada midoobay iyo midowga afrika,iyagoo walaac ka muujinaya tallaabooyinka Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ugu awood sheeganayo mucaaridka dalkiisa.
Ururkan ayaa walwal ka muujinaya go’aanka uu madaxwaynaha Djibouti Ismacil Cumar Geelle ku go’aansaday inuu markii afraad oo xidhiidh ah xilka madaxwyanaha u tartamo.
Madaxwaynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle,ayaa bishii December 21-2015-kii ciidamada amaanka u adeegsaday dad shacab ah oo ay ku dileen ugu yaraan 19 qof oo u dabaal degayay dhalashada Nabi Maxamud (NNKH),dawladuna sheegtay inay ahaayeen mucaarid fidno abaabulayay.
Mucaaridka dalka Djibouti ayaa madaxwaynaha ku eedeeyay inuu cabudhin iyo kalidii talisnimo ku muquuninayo tallada dalka.
Dijibouti Desk








