29 Qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Dalka Cameroon

0

Arabsiyo News—Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay qaraxyo is xig-xiga oo ka dhacay suuq ay dadku badan yihiin uguna wayn magaalada Bodo oo ku taala xuduudka u dhexeeya dalalka Cameroon iyo Nigeria.

Weerarkan oo ay fuliyeen saddex qof oo isku soo xidhay walxaha qaraxa ayaa goobta isku qarxiyay.

Qaraxa ugu horeeyey ayaa ka dhacay wadada loo maro Suuqaasi, waxaana xigay labo qarax oo ka kala dhacay irida laga galo suuqa iyo waliba badhtamaha goobtaasi suuqa ah oo ay xiligaasi dad badan ku sugnaayeen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 2aad oo ka dhaca dalkaasi Cameroon bishan aan ku jirno, 13kii bishan ayaa sidan oo kale koox bambaano sidatay isku qarxiyeen Masaajid ku yaal waqooyiga dalka Cameroon, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.

 

Arabsiyo Desk