Arabsiyo News—-Siyaasiyiinta, Waxgaradka , iyo Haweenka kasoo jeeda Beesha Baadi Cadde oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shaaca uga qaadeen in ay gabi ahaan ka baxeen Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ee kasocda Magaalada Jowhar.
Xubnahan kulmay ayaa sheegtay in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ay si qaldan u maamuleyso shirka maamulka loogu sameenayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe , waxa ayna tilmaantay Beesha in ergada laga siiyay shirka aysan u qalmin gabi ahaana ay qaadaceen.
Khaliif Cabdi Cumar oo ah Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan ee dhinaca Maaliyada ayaa sheegay in Beesha Baadi Cadde ee degta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe ay gabi ahaan ka baxday shirka, waxa uuna tilmaamay in dad aan aqoon u laheyn Beesha iyo guud ahaan Gobolada maamulka loo sameenayo ay indho ka cabir Ergooyinka ku qeybiyeen.
”Waxaan halkan ku cadeeneynaa in aan Shirka ka baxnay hadaan nahay beesha Baadi Cadde, waxaa noo muuqata in Shirka ay maamulaayaan dad aan waligood tagin Gobolada Maamulka loo sameenayo, inta ana wax la qeybin kahor waxaa habooneyd in la ogaado beesha Baadi Cadde dhulka ay degto iyo taariikhda ay ku leedahay ‘ Ayuu Khaliif Cabdi Cumar.
Dr Maxamed Cali Ibraahim oo horey Wasiir uga soo noqday Dowladii KMG aheed oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay diidan yihiin shirka kasoda Jowhar iyo sida loo maamulayo shirkaasi, waxa uuna cadeeyay in ay diidan yihiin in Beesha Baadi Cadde la qariyo qoondadda ay leedahayna loo soo mariyo Gugundhabe.
”Wasaarada Arimaha Gudaha wey ku fashilantay shirka Maamul u sameynta, waan kasoo horjeednaa sida ay wax u socdaan, anagu ma diidanin in aan Gugundhabe kor ka nahay lakain anagu xaqeena waxaan ku rabnaa Baadi Cadde, walaalaheena kale een ku abtirsano Gugundhabe iyagana xaqooda ha raadsadaan ,beel walbo meesha ay degto xaqeeda halagu siiyo, ma u dulqaadaneydno dulmi nalgu sameeyo , waan diidnay sida uu hada Shirka ku socdo weyna isku raacsan yihiin beesha Baadi Cadde qadiyadaasi” Ayuu isna yiri Dr Maxamed Cali Ibraahim o.
Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay Ex-Xildhibaan Axmed Cumar Gaagaale oo isna si kulul u dhaliilay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya , waxa uuna sheegay in beesha Baadi Cadde aysan marnaba dulmi yeeleyn xaquuqdeedana aysan meel cidlo ah uga tageyn.
Hadalka kasoo baxay Beesha Baadi Cadde oo kamid ah beelaha dega Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan beelaha diidan qaabka ay Wasaarada Arimaha gudaha shirka u maamuleyso iyo Ergada beelaha ee Wasaaradu qeybisay.
















