Arabsiyo News–
Nin hore dadka uga madadaalin jiray mid ka mid ah telefishanada dalka Guatamela ayaa loo dhaariyay talada wadankaasi, ka dib markii uu ku guulaystay aqlabiyada codadkii la dhiibtay doorasho dhacday bishii October ee sanadkii aynu ka soo gudubnay.
Jimmy Morales oo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa sheegay in uu ku dedaali doono sidii uu u soo dhisi lahaa dawlad tayo leh oo dalkaasi ka badbaadisa dhibaatooyinka la soo dersay.
Wuxuu sheegay in uu soo dhisi doono Guatamela cusub isla markaana uu ku dedaali doono sidii uu dhulka uga soo qaadi lahaa dhaqaale yaraanta soo food saartay dalkaasi, dhinaca kalena uu halgan la geli doono musuq maasuqa baahsan ee hadheeyay dalkaasi.
Guatamela cusub in ay dhisnaa waa muhiim, halgan adagna weynu geli, dabcan wax kastaa way inoo hagaagayaan, waxaanse doonayaa in aad iga gunudaan in waxyaabaha aynu bedelayno ay ugu horayso la dagaalanka musuqa iyo waliba sidii aynu kor ugu soo qaadi lahayn dhaqaale yaraanta dalka ku habsatay” ayaa ka mid ahaa Khudbadii uu jeediyay madaxweynaha cusub ee Wadanka Guatamela Mr,. Morales.
Bishii August ee sanadkii hore ayaa dadweynaha u dhashay dalkaasi waxa ay dhigeen dibad baxyo waaweyn oo ay kaga soo horjeedeen maamulka madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr. Otto Perez Molina kaas oo ay xukunkiisa hadheeyeen musuq maasuq iyo laaluush qaadasho xadka dhaaftay.
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com








