Maxaad kala soctaa qodobada ugu badan ay isku hayaan Madaxda ku shirsan magaalada Kismaayo

0

Arabsiyo News–Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in madaxda Qaranka iyo kuwa Gobolada ay wali ku kala fogyihiin qaabka lagu soo xuli doono Baarlamaanka bedeli doona kan hadda shaqeeya.

Madaxda qaar waxa ay cuskadeen in Xildhibaanada lagu soo xulo hanaanka beelaha ee 4.5, halka qaarna ay soo jeediyeen in lagu soo xulo qaab deegaan ahaan., madaxda Somalida ayaa ku kala qaybsan noocii la qaadan lahaa.

Qoladii qabtay in deegaan wax lagu saleeyo ayaa labo ukala qaybsan, Cabdiweli Gaas wuxuu qabaa in Xildhibaanada aqalka hoose lagu soo xulo degmooyin ama 18-kii gobol, halka Cabdikariin Guuleed uu isna qabo in maamul goboleed wax lagu qaybsado.

Maalmo ka hor waxaa jiray laba aragti oo madaxdu kala qabtay hada waxaa miiska saaran Sadax aragtiyadood oo madaxdu kala qabto inkastoo aragtiyadaas mid kamid ah ay miiska hoos taalo oo aan wali la shaacin.

Madaxda dalka ayaa dooneysa in Somalia ay ka dhaqangasho rabitaankooda gaarka ah, halka maamul goboleedyadu ay yihiin kuwo doonaaya in awoodooda ay ku tijaabiyaan Dowlada Federaalka, si Siyaasada dalka ay ugu gacangasho maamulada.

Xaalada ayaa ah mid isku cakiran marka laga eego dhanka Siyaasadaha qarsoon, waxaana mar waliba la filankaraa in shirkaasi uu kusoo dhamaado natiijo la’aan.

 

Arabsiyo Desk

Giryad Yare

Arabsiyonews@gmail.com