Shirar kala duwan oo caawa ka socda Kismaayo iyo Jawiga magaaladaasi oo mashquul laga dareemayo

0

Arabsiyo News—Magaalada Kismaayo ayaa waxaa caawa ka socda kulamo kala duwan oo u dhexeeya madaxda Dowlada, Maamul Goboleedyada iyo xubno kala matalaaya Beesha caalamka oo maalmahaani ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Kulamada socda ayaa waxaa lagu gorfeynayaa shirka la filaayo in maalinta bari uu ka furmi doono magaalada Kismaayo kaasi oo lagu wado in go’aan looga gaaro nidaamka dhowrkii sano ee tagay lagu maamuli jiray Somalia ee 4.5.

Sidoo kale kulamada socda ayaa waxaa qeyb ka ah Siyaasiyiin kala duwan kuwaasi oo madaxweynaha dalka ka dhaadhicinaayo aragtidooda ku saleysan suuragalnimada in somalia lagu maamulo nidaamkaasi iyo in laga taqluusiyo.

Madaxweynaha somalia xasan sheikh maxamuud iyo xubnaha ku wehlinaaya socdaalkiisa ayaa ku dhagan nidaamkaasi si loogu sii maamulo somalia.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa iyagana doonaaya in laga gudbo nidaamkaasi, halka madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ku doodayaan inaan la joogin xili laga gudbo 4.5.

Shirka la filaayo in maalinta bari ah uu ka furmo magaalada Kismaayo ayaa go’aan looga gaari doonaa nidaamkaasi, walow ay u badan tahay in Dowlada Somalia ay ku qanacdo ka gudbida nidaamkaasi.

 

Arabsiyo Main Officer

Abdifataah M Giryaad