Iraan oo sii deysay Badmaaxiinta Maraykanka ee lagu qabtay Biyaha Iraan (Daawo Sawirada)

0

Arabsiyo News–Taliska ciidamada Badda Dowlada Iiraan ayaa soo bandhigay Sawirada Badmaaxiinta Maraykanka ee lagu qabtay Badda Iiraan.

Jeneral Cali Fadafi oo ah Taliyaha Ciiddanka Badda Iiraan, ayaa sheegay inay dib usii deeyen Badmaaxiinta kusoo xadgudbay Biyaha Iraan.

Jeneral Cali Fadafi waxa uu sheegay in baaritaano lagu sameeyay Badmaaxiintaasi balse ay ku waayen waxa ay ku tuhunsanaayen oo ahaa faragalin dhanka badda ah oo Mareykanka kusoo sameynaayo Iraan.

Jeneral Cali Fadafi waxa uu tilmaamay inay Mariniska raaligelin ka bixiyeen xadgudubkooda, kadibna ay ka shiraacdeen Biyaha Iiraan.

Xadgudubka Badmaaxiintaasi ayaa waxaa sidoo kale raali galinkabixiyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry oo ugu danbeyntii ka mahadceliyey tallaabadaa lagu sii daayey.


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Abdifataah Habane
Arabsiyo Main Officer