Maamulka Degmada Arabsiyo oo ku hungoobay cashuur ururin ay la hortageen ganacsatada magaalada iyo Shoobaro ay ku qaabileen

0
Arabsiyo News—   Maamulka dawlada hoose ee Degmada Arabsiyo ayaa maanta shoobaro kala kulmay ganacsatada magaalada kaas oo isku badalay  Dagaal gacan kahadal ah  iyo buuq ka dhacay xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Arabsiyo Siday noo sheegeen ilo Xog-Ogaal ah oo ka ag dhawaa Xarunta D.Hoose waana sida tan:-
“Dagaal Gacan ka hadal ah  ayaa ka Dhacday Xarunta Dawlada Hoose ee Arabsiyo, taas oo ay sababtay kadib markii Ganacsatada magaaaladu ay Diideen inay bixiyaan Cashuur sanadadeedka loo yaqaan MACAASH MACAASH, taaso ay sabab uga dhigeen
in aan waxba loogu qaban magaalada Baahiyahaheeda oo Xashiishkii magaalada Albaalkasta yaalo,iyo maamulka magaalada oo ku guuldaraystay waxka qabashadoodo “talaabadan ayaa ka danbaysay markii cabashooyin isasoo taraya oo ku lidi ah dhanka maamulka dawlada hoose ay ka gudbiyeen bulshada ku dhaqan Degmada Arabsiyo,taas oo bulshada ku dhaqan Degmada Arabsiyo cod dheer marar badan warbaahinta ka sheegeen khashin baahsan oo fara baas ku haya faya dhawrka magaalada

dhacdadana waa mid kamid ah talaabooyin ay ku muujinayaan halka ay ka tagan yihiin maamulkki uga masuulka ahaa adeegyada asaasiga ah”kaasi waxa uu ahaa mid kamid ah bulshada ku dhaqan Degmada Arabsiyo oo ka gaabsaday magaciisa oo kahadlay qaabka ay wax udhaceen talaabadan ay ku dhaqaaqeen ganacsatada magaaladu
kabacdi Buuq badan oo dhacayXarunta D.hoose oo ah meesha uu dagaalku ka Bilaabmay  ayaa Waxa
la keenay Askar Badan Oo la Kala Kaxaysay Buuqii iyo Sawaxanka Dadka
Wixii Warar Soo kordha kala Soco Shabakada ArabsiyoNews.com