Abwaan Weedhsame oo Maanso Barordiiq ah U Tiriyay Marxum Abwan Dun carbeed

0

Arabsiyo News— Abwaanka caanka ah ee Xasan Daahir ismaaciil Weedhsame ayaa Maanso Baroor diiq ah u tiriyay Marxuum  Abwaan  CAli sugule Cigaal {Dun Carbeed}, Waa tan Tixdi gabay ahaa Ila Akhrista Akhristayaaal.

 

Webtii cawke anigoon ka kaban welina dhiillaysan
Anigoon wadnuhu ii garrayn wahabna aan goynin
Caawana ma weer baan xidhnahay cali intaan waayey?
Wadaniga abwaankii ahaa waracii suugaanta
Ma-waabtihii gumaystaha necbaa warankii qoomaayey
Dun-carbeedna maantuu wed helay dunidu waa wiige.

Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye
Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara’e
Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada’e
Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye
Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye
Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-aragiiye
Waxan waayey, wadihii wanqalay, wowga dirireede
Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wecelkiiye
Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye
Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye
Waxan waayey,lama waarayee, waafi dun-carbeede
Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.

Rabbiyoow aadaa waarayoo wed an ka yaabayne
Qof ku wacay, ku weecansadoo, kuna wax weydiistay
Adaan webin oo aan waabinoo wadhi ku soorayne
Gacmahaan ku hoos wadhay rabboow waad I aragtaaye

Weynoow dunuubtiisa dhaaf weliyadii raaci
Waafaji su,aalaha rabboow malagu weydiiyo
Ka waraabi jannadii fardaws una dhig weylaalis

 

 

 

posted:

A.phataah Mohammed Giryaad

Arabsiyo Main Officer