DAAWO Dalalka Muslimka oo Xaalad cakiran Galay Safaarada Sucuudigu Ku Leeyahay Dalka Ciraaq Oo Hoobiye Lagu Duqeeyay

0

Arabsiyo News— Telefishanka Dalka Ruushka ee Russian Today ayaa baahiyay muuqaalka safaarada Sucuudiga ee dalka Ciraaq, oo holac iyo qiiq wayni ka kacay, waxaanu telefishanku sheegay, in qoryaha Hoobiyaha lagu duqeeyay safaarada, sida ka muuqatana dhismaha safaarada iyo goobaha ka ag dhow duqayni ku socoto.

Warku ma sheegin khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay shaqaalaha iyo dublamaasiyiinta safaarada, laakiin waxa uu telefishanku muuqaalka duqaynta safaarada ka qaatay meel aad uga durugsan oo qiiqa iyo dabka ka kacay dhismaha safaarada oo kaliya laga arki karo, waxaana loo malaynayaa in Shiico ka cadhaysan deldelaadi Sucuudigu Ku fuliyay 43-ka qof ee Shiicada ah, ay duqaynta u gaysteen safaarada.

Arabsiyo Main Office

Abdiafataah Giryaad