Riyad(Arabsiyo News):- Boqortooyada Sucuudiga ayaa si rasmi ah ashkato ugu gudbisay qaramada midoobay, iyadoo ka cabanaysa weerarka lagu qaaday safaaraddeeda Tehraan iyo qunsuliyad ay ku lahayd magaalo kale oo dalka Iiraan ah. Cabashada Sucuudiga ayaa daba socota habka mushtamaca Iiraan uga falceliyeen dilkii Sucuudigu u gaystay 47 qof oo wadaad Shiica ahi ku jiray, kuwaasi oo markii la dilay la gubay safaaradda Sucuudiga ee caasimada Iiraan.
Geesta kale boqortooyada Sucuudiga ayaa ku dooday inaanay xiisadda ka dhaxaysa Iiraan iyo Sucuudigu saamayn ku yeelan doonin qorshaha nabadda loogu raadinayo wadamada dagaalladu raggaadiyeen ee Suuriya iyo Yemen, kuwaasi oo ay kala taageersan yihiin Sucuudiga iyo Iiraan oo ku xafiiltama hoggaaminta Bariga dhexe. Sucuudiga ayaa sheegay inay si adag uga hawl gali doonaan nabad u helidda iyo horumarinta wada hadallada nabadda dalalkaasi.
Xiisadda Sucuudiga iyo Iiraan ayaa sababtay in waddamo ay ka mid yihiin Somalia, Baxrayn, Sudan iyo Imaaraadka Carabtu hoos u dhigaan xidhiidhkooda diblamaasiyadeed ee dalka Iiraan, halka qaarkoodna xidhiidhka u jareen. Sucuudiga ayaa si buuxda xidhiidhka ugu jaray Iiraan, marka laga reebo dadka Xashka imanaya.
Arabsiyo Main Office
Abdifataah Giryaad








