Wafti Ay Hogaaminayso Marwada Madaxwyanaha Somaliland Oo Saaka Aroortii Soo Gaadhay Magaalada Boorama

0

Borama(Arabsiyo News)Wafti balaadhan oo ay Hogaaminayso Marwada madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Waris) ayaa goor dhawayd soo gaadhay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama, waxaana waftigan lagu soo dhaweeyay duleedk magaalada Waftigan ayaa markii loo soo galbiyay gudaha waxa ay hor ka bilowday hawlihii shaqo ee ay Magaalada U timid waxa ayna dawooyin iyo qalab caafimaad u qaybisay xarumo caafimaad oo ku yaala Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Boorama, waxa ayna intaas ka dib xadhiga ka jartay qaybo ka mid ah wadooyin laami ah oo ay dawlada hoose ee Boorama dhistay iyo kuwa kale oo ay dhagax dhigtay mar wada madaxwaynaha ayaa u shaqaynaysa sida wasiirada Xaaji siilaanyo ama iyaduba u muuqata qof haya hawshii madaxwayne siilaanyo dhaqankan oo ah dhaqan aan hore looga baran marwooyinkii hore ee somaliland waxaana lagu xantaa inay iyada awooda dalka gacanta ku hayso

 

Arabsiyo Main Office