Arabsiyo News–Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa Marreeb ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya Kooxo hubeysnaa ay halkaasi ka afduubteen gaari nooca gargaarka ee loo yaqaan Ambalaasta.
Afduubka ayaa loo badinayaa inay geysteen Kooxo taabacsan Alshabaab kuwaasi oo markii hore joojiyay gaariga kadibna uu ka xeeyay mid Kooxdaasi hubeysnaa kamid ahaa.
Gaariga Ambalaasta ayaa la sheegayaa in loogu adeegi jiray dadka deegaanka ee la soo darisa xanuunka degdega ah, waxa uuna hadda gaarigaasi u gacan galay Kooxdaasi.
Afduubka gaariga ayaa imaaday kadib markii la soo wacay Isbitaalka magaalada laguna wargaliyay in si dhaqsi ah uu kusoo gaaro si loo qaado bukaan aad u il daran, hayeeshee goortii uu halkaasi gaaray ay Kooxda la wareegen gaariga, waxa uuna afduubka ka dhacay deegaanka Ceel Cali Mire.
Ragga adfuubka geysay ayaa ku hubeysnaa Seddex qoray ilaa laba Bastoolad waxa ayna halkaasi ka ka xeysteen gaarigii loogu adeegaayay dadka deegaanka.
Ma jirto wax xiriir ah oo lala soo sameeyay shaqsiyaadkii maamulaayay gaarigaasi waxaana socda baaritaano lagu raadinaayo gaariga.
Qafaalkaani ayaa noqonaaya mid ku cusub dadka deegaanka iyo guud ahaanba Somalia, waxa uuna gaarigaasi Ambalaasta ah noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay qafaashan Alshabaab.
Arabsiyo Main Office








