Hargeysa(Sagal-News)-kulankii ka socday hotel maansor ee hargeysa ee lagaga doodayay xeerka qabyo qoraaalka ah ee hanti dhawrka guud ayaa galay maalintii sadexaad ku lankaasi oo ay ka soo qaybgalineen badi masuuliyiinta haayadaha dawlada,ardayda jaamacadaha dalka waxkabarata iyo qaar kamid ah ururada bulshada ayaa lafilayaa in goor dhaw laga soo saaro go’aano wax lagu kordhinaayo xeerka qabyo qolraalka ah ee hanti dhawrka guud ee qaranka
kulankan oo ay soo qaban qaabisay gudi hoosaadka ilaalinta daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada somaliland ayaa go’aanada la soo saarayo wayaa ah qaar xeerka hanti dhawrka guud wax lagaga badalaayo waxna loogu kordhinaayo walaw masuuliyiinta hantidhawrku ay san ka soo qayb galin kulankaasi oo ay walaac xoogan ka muujinayaan qodobada lafilaayo in laga soo saaro kulankaasi sadexda cisho socday
gudi hoosaadka ilaalinta daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada somaliland oo kulankan soo qaban qaabniyay ayaa u balan qaaday qaybahaasi kala duwan ee ka soo qaybgalay ku lanka in ay golaha hor gaynayaan go’aanadaasi wax kabadalka iyo kaabista loogu samaynaayo xeerka qabyo qoraalka hantidhawrka guud ee qarnaka
La Soco Goor Dhaw Qodabada Ka Soo Baxa


















