Arabsiyo News & Media —Duufaano xoogan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka Mareykanka taasi oo baabi’isay Hanti farabadan.
Duufaanta ayaa waxa ay burburisay Guryo farabadan oo gobolkaasi ku yaala, waxa ayna sidoo kale duufaantaasi waxyeelo xoogan u geysatay dadkii ku noolaa Gobolkaasi.
Duufaanta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 11-ruux oo kamid ahaa dadka Gobolka.
Burburka duufaantaasi ka dhashay ayaa ku qobmay wadooyinka, waxa ayna duufaantu qaaday guryo coosh ka sameysnaa.
Duufaantaasi ayaa ka duwaneyd duufaano horay Gobolkaasi uga dhacay, waxa ayna duufaantaani sidoo kale sababtay dhaawacyo badan oo soo gaaray dadka deegaanka.

















