
Arabsiyo News –Cusbitaal ku yaal deegaanka Jazan ee koonfurta dalkaasi Sucuudiga ayaa waxaa ka kacay xalay dab xooggan oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan.
Wararka ayaa sheegaya in 31 qof oo bukaan ahaa ay halkaasi ku dhinteen, iyadoona tirada dhaawaca ay kor u dhaafeyso boqolal ruux.
Dabkan ayaa ka bilowday qeybta dhallaanka deg-degga, sida ay xaqiijisay dowladda dalkaasi Sucuudiga.
Wali waxaa socda baaritaan ku aadan sababata dhabta ah ee dhalisay dabka, iyadoona ay hay`adaha arrimahaasi ay khuseeyaan ay wali ku howlan bayaaninta shilkan
By: Abdifataah Giryaad
Arabsiyo Main Office








