Ciidamada amaanka oo Goordhaw xoog ku joojiyay Munaasabad kasocotay Magaalada Muqdisho

0

Arabsiyo News —- Ciidamo katirsan kuwa amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw waxa ay xoog ku joojisay Munaasabad kasocotay Hotelka The Village ee Magaalada Muqdisho, waxaana munaasabada soo qaban qaabisay Safaarada Iiraan ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ku sugnaa Munaasabada ayaa noo sheegay in ujeedka Munaasabadaasi ay aheed in lagu weeneenayo xuska dhalashada Nabageena Muxamed (NNKH ) iyo sidoo kale Lamaane is doortay oo Safaarada Iiraan ay gacan ka siineysay guurkooda.

Ciidamo katirsan kuwa amaanka ayaa xog kusoo galay Hotelka xili ay munaasabad halkaasi kasocotay, waxaana Munaasabada kasocotay Hotelka ka qeyb galayay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa sidoo kale Munaasabada joogay Saraakiil katirsan Safaarada Iiraan.

Dadkii ku sugnaa Munasaaabada ayaa si xoog ah lagu kala diray, waxaana mar qura Hotelka Munaasabada kasocotay ka bilowday buuq iyo is fahmi waa, waxaana ugu dambeyn dadkii joogay Hotelka lagu qasbay in ay kala dareeraan.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya oo ku aadan sababta keentay in Munaasabada kasocotay Hotelka Kuyaala Muqdisho la joojiyay laguna qasbo dadkii halkaasi ku sugnaa in ay kala dareeraan

 

 

By:

Abdifataah Giryaad

Arabsiyo Main Office

nfo@Arabsiyonews.com