Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shacabkiisa hadal u jeediyay ayaa sheegay in rabshadihii isniintii dalkiisa ka dhacay ay gacmo shisheeye ku jiraan. Waxa uu sheegay inay habboon tahay in dadkiisu feejignaadaan. Farriintiisa oo u muuqata mid bulshadiisa ku abuuraysa cabsi dibadeed wuxuu ku sheegay in dad iskaashanaya oo qaarkood dibaddaha joogaan qaarna dalka ay diidan yihiin cilaaqaadka dalkiisu la leeyahay quwadaha dunida.
Hadalka Ismaaciil Cumar Geelle ayaa imanaya iyadoo dalkiisu hore xidhiidh ula lahaa wadamada reer Galbeedka oo Jabuuti Saldhigyo ku leh, halka dhawaan uu xidhiidh la samaystay Shiinaha oo isna halkaas fadhiisin ku yeelan doona, waxaanu hore u sheegay inaanay quwadaha xafiiltamaa saamayn ku yeelan doonin
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








