“WASIIRADII IS CASILAY ILAA INTA AY OOHIN DHAMAYSANAYAAN CIDI LA HADLI MAYSO” MAXAMED IBRAAHIM QABO .

0

Hargeysa (AN) :- La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka ee dhanka asxaabta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Warsugan ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, khilaafka xisbiyada iyo qaabka xal looga gaadhi karo.

Maxamed Ibaahim Qabo oo ka hadlaya wasiiradii dhawaan iska casilay xukuumada madaxweyne siilanyo waxuu yidhi “ Dhawr jeer oo hore waxaa laygu yidhi ka hadal Maxamadow, waadigii hadli jiray ee maxaad uga hadli wayday waanan ka yara gaabsanaayey, waxaan odhan lahaa maanta ilmaha yar ee sabiga ahi murkuu ooyo haddii aad istidhaahdo aamusii wuu ka sii daraa cilmi nafsi ahaan waxay ku odhanayaan nimankaa ku takhasusay caruurtu inta uu oohin dhamaysanaayo waa in aad daysaa, waxaan ku soo koobayaa nimankaasi ilaa inta ay oohin dhamaysanayaan cidi la hadli mayso”

Sidoo kale la taliyaha arimaha doorashooyinka madaxweyne siilanyo Mr.Qabo oo ka hadlaya khilaafka xisbiyadda ka taagan, haddii uu sii xoogaystay saamayn ay ku yeelan karaan doorashooyinka ayaa waxaa uu yidhi” Horta waxaa iska jira xumad ay doorashadu leedahay xisbi kasta oo kuwa caalamka iyo afrikaba caqabado ayaa dhaca marka doorashadu soo dhawaato, markaa imika waxa ina haya xumadii doorashadda oo hirdan ayaa yimaada intaa wax ka badan oo aan arkayaa ma jirto.

Hadd iyo jeer hirdanku wuxuu ka dhacaa kursiga ugu sareeya oo waxaa timaada ana murashaxa noqonaya oo kaaga wanaagsan iyo anaa kaaga wanaagsan oo guul xisbiga u keenaya markaa tiinbuu jirta; waad ogayd shirkaygii kolaha dhexe ee xisbiga Kulmiye in badan ayaanu is hayn, markii dambe si wanaagsan oo guul ah ayuu noogu dhacay; kuwan kale imika waxay ku hadhay Ucid iyo Waddani, tan Ucid hada waakan socda wada hadalkeedi oo dhawaan inay qabsadaan ayaa laga yaabaa shirkoodii golaha dhexe waxaanan filayaa inuu waji wanaagsani ka soo bixi doono maadama oo nin xisbi yahan ah oo oday Somalilander ah oo muwaadin oo Faysal Cali Waraabe uu ku jiro hadd iyo jeer wuxuu bidaa inay xaga wanaaga wax u dhacaan, markaa waxaan filayaa in aanan xisbigaa u baqo qabin; laakin xisbigan yar ee socod baradka ah ee Waddani ee labada sanadood jiray waa laga yaaba haddii hogaanka imika jiraa ee murashaxa iyo murashax ku xigeenka inoo muuqdaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Axmed Muumin Seed haddii uu wax ka badal yimaado waa laga yaaba inuu khilaaf xoogle yimaado aanay ka soo kaban karin”

Source:- Wargeyska Warsugan

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk