-
Maleysia (Arabsiyo News Network ) Ugu Yaraan 50.000 Taageerayaasha ISIS Ah Ayaa Ku Sugan Gudaha Dalka Malaysia Ayaa Lagu Sheegay Shirweyne Looga Hadlayey Amaanka Dalka Malaysia Oo Sabtidii Shalay Ka Dhacay Magaalada Kuala Lumpur.
Wasiirka Gaadiidka Ee Malaysia Liow Tiong Ayaa Sheegay In Tiradan Badan Ee Taageerayaasha Daacish Ay Tahay Mid Ay Xaqiijiyeen Hay’adaha Amaanka Ee Wadankaasi Malaysia, Wuxuuna Sheegay Inay Khatar Uu Dalkaasi Ku Jiro Hadii Qaar Kamid Ah Taageerayaashaasi Ay Noqdaan Kuwo Ku Dhaqaaqa Falal Amniga Lagu Khal Khalgelinayo.Dowlada Malaysia Ayaa Bilihii Lasoo Dhaafay Hawlgalo Ay Ka Waday Gudaha Dalkaasi Uga Hortageysay Dadka Aaminsan Fikirka Kooxaha Xagjirka Ah Sida ISIS Iyo Al Qacida Oo La Sheegay In Ay Ku Sugan Yihiin Qeybo Kamid Ah Wadankaasi.
Waa Markii Ugu Horeysay Oo Ay Dowlada Malaysia Shaaciso Tirada Dadka Ay Tuhunsan Tahay Inay Xiriir La Leeyihiin Kooxaha Ka Dagaalamaya Bariga Dhexe Ama Dalalka Jaarka La Ah Sida Filibiin Oo Ay Ku Sugan Yihiin Kooxda Abu Sayef Oo Ka Tirsan Al Qacida








