Syria: Jabhatul Nusra Oo Kasoo Horjeesatay Bayaankii Kasoo Baxay Shirkii Riyadh

0
  • nasruRiyadh (NN) 13/12/2015

    Hogaamiyaha Kooxda Al Nusra Ee Al Qacidada Siiriya Ayaa Ka Horyimid Bayaankii Kasoo Baxay Shirkii Khamiistii Ka Dhacay Magaalada Riyadh Ee Dalka Sucuudiga Oo Ay Ka Qeyb Galeen Inta Badan Ururada Siyaasada Iyo Kooxaha Hubeysan Ee Ka Dagaalamaya Wadanka Siiriya.

    Hogaamiyaha Al Nusra Oo Ku Sugan Dalka Siiriya Abu Mohammed Al-Joulani Ayaa Ku Tilmaamay Bayaankii Ururada Mucaaridka Ay Ku Heshiiyeen Ee Ahaa In Wadahadal Siyaasadeed Lala Galo Dowlada Bashar Al Assad, Isla Markaana La Dhiso Dowlada KMG Ah Iyo In La Qabto Doorasho.

    Abu Mohammed Al-Joulani Ayaa Ku Tilmaamay Qorshahaasi Khiyaano Qaran Oo Ay Galeen Ururada Mucaaridka Isagoo Sheegay In Kooxda Jabhatul Nusra Aan Lagu Casumin Shirkaasi, Balse Wuxuu Sheegay Inaysan Tagi Lahayn Kulankaasi Xataa Hadii Lagu Casumi Lahaa.

    Wuxuu Ku Eedeeyey Kooxaha Mucaaridka Inay Go’aankan Qaateen Xili Dowlada Bashar Al Assad Ay Tahay Mid Sii Burburaysa Wuxuuna Sheegay In Bayaankan Uu Dhabar-Jab Ku Yahay Dhamaan Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Siiriya Ee Socday Shantii Sano Ee Lasoo Dhaafay.

    Bayaankii Kasoo Baxay Shirkii Riyadh Ayey Inta Badan Kooxaha Ka Dagaalamaya Siiriya Iyo Ururada Mucaaridka Ah Ku Heshiiyeen In Dowlad KMG Ah Loo Dhiso Dalka Siiriya Muddo 6 Bilood Gudaheed Ah, Isla Markaana Doorasho La Qabto Muddo 18 Bilood Gudaheed Ah, Waxay Sidoo Kale Sheegeen Inay Wadahadal La Galayaan Dowlada Siiriya Hadii Bashar Assad Iyo Dhamaan Xukuumadiisa Ay Xilka Isaga Degaan.

    Ururada Ku Kulmay Shirkii Riyadh Ayaa Sidoo Kale Ku Heshiiyey Inay Wada Dhistaan Guddi Ka Kooban 25 Xubnood Oo U Matalaya Wadahadalka La Qorsheenayo Inuu Bilowdo Bisha Janaayo Ee Sanadka Soo Socda.

 

 

Arabsiyo Main Office

Aphataah Mohammed